Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Wasiirka Waxbarashada dowlada oo khartuum kulan kula qaatay xubno ka tirsan sudan

Baladweyne(HNN) Wafdi uu hor kacayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Daahir Cusmaan oo ay ku wehlinayan lataliyaha Wasiirka Tacliinta Sare, Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Madaxa Guddiga horumarinta adeegga bulshadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa booqasho ugaga bilaabatay dalka Sudan.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka Caalamiga ee Khartuum kusoo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tacliinta Sare ee dowladda Sudaan, Maamulaha Jaamacadda Afrika, diblomaasiyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan uu horkacayo Danjiraha Safaaradda Maxamed Cabdullaahi Ogaas.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  sheegay in Suudaan ay u yimaadeen isagga iyo wafdigiisa Casumaad rasmi ah oo ay ka haleen Wasiirka Wasaaradda Tacliinta sare ee Dowladda Sudaan.

Sanad walba xiligan oo kale Dalka Sudaan waxaa soo gaara Wasiir ka socda Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Dowladda Sudaan ay dowladda Soomaaliya ugu deeqdo deeqo waxbarasho oo ay ka faa’iideystaan ku dhawaad 200 oo arday.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com