Advertisements
Advertisements

Goorma Ayuu Nemanja Matic Kulankiisa Ugu Horeeya U Safan Doonaa Man United? Miyuu Diyaar U Yahay Final-ka UEFA Super Cup?

Manchester United ayaa shalayto ku dhawaaqday iney dhameystirtay heshiiska Nemanja Matic kaas oo noqday saxiixii sadexaad ee xagaagan uu lasoo wareego tababare Jose Mourinho waxaana kaga horeeyay Victor Lindelof iyo Romelu Lukaku.

Burburiyaha reer Serbia wuxuu ku yimid Old Trafford aduun dhan 40 Malyan oo Pound isagoo saxiixay heshiis sadex sano ah.

Nemanja Matic oo  29-jirsaday wuxuu noqonayaa ciyaariyahankii labaad oo Chelsea ah kaas oo United kusoo biira sanadahii ugu dambeeyay waxaana January 2014 kusoo biiray Red Devlils Juan Manuel Mata.

Si kastaba Nemanja Matic lama oga sida uu kaga qeyb qaadan karo kulanka ay kooxdiisa Man United la ciyaareyso arbacada dhigeeda Sampdoria ciyaar ka dhici doonta Dubling, balse wuxuu isha ku haya inuu kasoo muuqdo kulanka final-ka UEFA Super Cup ee ay kooxdiisa la ciyaari doonto Real Madrid.

“Waan ku faraxsanahay inaan maalmo la tababarto kooxda ka hor intaan ciyaarin kulanka weyn kaas oo aan kaga hortageyno Real Madrid, sidaas darteed waxaan hubaa inaan si wadajir ah wax weyn u sameyn karno, wax weyn” ayuu yiri Nemanja Matic.

“Sida aad ogtahay, lama tababaran kooxda, kaligey ayaan tababar sameeyay anigoo la jooga tababaraha jirdhiska, dabcan isku mid maahan markaad kaligaa tababar sameyso iyo marka aad kooxda la tababarato, balse waxaan heystaa waqti aan nafsadeyda ku diyaariyo ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub”

“Dabcan, maahi mid 100% taam ah, balse aad ayey u dhawdahay”

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com