Advertisements
Advertisements

Mushaarkiisa Sanadlaha, Halka Lagu Soo Bandhigi Doono, Waqtiga Lasoo Bandhigayo & Faah-Faahinta Heshiiska Neymar Ee PSG.

Paris Saint Germain ayaa lagu soo waramayaa iney isku diyaarineyso soo bandhigista xidiga reer Brazil & kooxda Barcelona Neymar Junior maalinta isniinta ah kaas oo qarka u saaran inuu lacago rikoor ah ku yimaado horyaalka faransiiska.

Xilli ciyaareedkii 2012, Paris Saint Germain waxey soo dhaweysay Zlatan Ibrahimovic kaas oo lacago badan kaga yimid Ac Milan, waxaana lagu soo bandhigay xidgiaan dhimsha caanka ah ee magaalada Paris [Eiffel Tower], The Guardian waxey leedahay PSG waxey isku dayi doontaa iney xidigaan soo bandhigto marka ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiskiisa.

Marka dhinaca kale la eego Paris Saint Germain waxey maamulka deegaanka ka dalbatay in loo ogolaado wareejin ay u sameyneyso Neymar, waxaana macquul ah in xidiga reer Brazil lagu soo wareejiyo caasimadda.

Isbuucaan dhexdiisa ayaa la rajeynayaa in xidigaan lasoo afjaro arintiisa wuxuuna Parc des Priness ku imaanayaa aduun dhan 222 Malyan oo Euro oo u dhiganta 197 Malyan oo Pound waana lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa.

Isniintii [Shalay] ayuu ku sugnaa China si uu xayeysiin ugu sameeyo shirkadda uu heshiiska kula jiro, waxaana la rajeynayaa inuu maanta soo gaaro Doha si uu halkaas ugula kulmo Nasser Al-Khelaifi kadibna caafimaadka ugu maro PSG.

Waxaa la fahansan yahay in Paris Saint Germain ay xidigaan jeebka ugu shubi doonto sanadki lacag dhan 26 Malyan oo Pound, waxeyna warbixintaan baahiyeen warbaahinta farnaiiska laba isbuuc ka hor.

PSG waxey go’aansatay iney xidigaan u dhaqaaqdo markii ay Paris kula kulmeen wakiiladiisa, kuwaas oo u qiray in xidigaan rabitaankiisa uu yahay inuu ka hoos baxo Lionel Messi.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com