Advertisements
Advertisements

Dagaalka Antonio Conte Iyo Tababaraha Tottenham Ee Mauricio Pochettino Ee Ka Bilawday Harry Kane Oo Alvaro Morata Soo Galay

Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa dhawaan si cadho leh uga jawaabay waraysi uu Antonio Conte bixiyay kaas oo uu sheegay in haddii uu gool dhaliye la soo saxiixan lahaa uu aad ujeclaan lahaa Harry Kane kaas oo si wayn u amaanay, wuxuuna Harry Kane oo isna ka jawaab celiyay amaanta Conte uu sheegay in uu hadda diirada saarayo kooxdiisa Tottenham.

Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino  ayaan jeclaysan qaabkii uu Antonio Conte u amaanay Harry Kane isaga oo ka cabsi qaba in amaantaasi ay keeni karto in macalinka ree Talyaani uu dabac dhab ahi ka galo sidii uu Harry Kane ugala wareegi lahaa Spurs. Laakiin arinta ayaaba soo dhaaftay Harry Kane waxayna soo gaadhay saxiixa cusub ee  Chelsea ee Alvaro Morata.

Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa jamaahiirta Chelsea kaga yaabsatay sababtii uu Alvaro Morata ugu soo biiri waayay Tottenham wuxuuna shaaca ka qaaday in xidiga ree Spain uu ka cabsaday in uu kaydka u galo Harry Kane.

Tababaraha Tottenham ee Maricio Pochettino ayaa sidoo kale ka cadhooday dalalkii uu Antonio Conte ku sheegay sababta ayna Spurs suuqa lacag badan u galin taas oo uu ku sifeeyay in aynu iyaga saarnayn culayska kooxaha kale saaran oo ah in ay koobab ku guulaystaan.

Mauricio Pochettino oo ka hadlaya Alvaro Morata ayaa yidhi: ” Morata aniga ayuu saxaafada iigaga hadlay wuxuuna sheegay: ‘Mourico ayaa i soo wacay’ taasi waxay ahayd bilawgii laba sanadood ama wax ka badan ka hor. Markii aanu wadahadalnay isaga (Morata) waxa uu ii sheegay: ‘ Maxay tahay sababta aad aniga ii doonayso haddii aad haysato Harry Kane?”.

Mauricio Pochettino oo u duur xulaya Conte iyo sababta ayna Tottenhanham ugu sahlanayn in ciyaartoyda tayada sarre lihi ku soo biiraan ayaa yidhi: “Waad ogtihiin miyaa? Haddii aan baxo oo aan isku dayo in aan gool dhaliiye la soo saxiixdo waxay odhanayaan: ‘Uh, tababare maxaad aniga ii doonaysaa? in aan kaydka ku jiro miyaa?, sababtoo ah Harry kane. Anigu lama tartami karo Harry Kane ama boosaska kale ee Hugo Lloris ama Christian Eriksen”.

Intaa kadib Mauricio Pochettino ayaa si cad u sheegay in Tottenham ciyaartoyda ay haysato awgeed ay wax adag ku tahay in ay ciyaartoy fiican la soo saxiixato wuxuuna yidhi: “Waa wax aad u adag in ciyaartoyda fiican lagu qanciyo in ay yimaadaan isla markaana ay kaydka fadhiyaan kadib dhibta ayaa bilaamaysa”.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com