Advertisements
Advertisements

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo is casilay

Hargeysa [HNN]Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka la magac baxay Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi( Ciro) ayaa iska casilay Xilkii Guddoomiyenimo ee uu hayay isagoo doonaya in uu tartamo xilka Madaxtinimada Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa u gudbiyay  xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Somaliland qoraal uu ku cadeynayo in uu is casilay iyadoo ay goobjoog ahaayeen 71 Mudane oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somaliland.

Iscasilaada Ciro ayaa waxaa oggolaatay 71 Mudane kadib markii ay xildhibaanada u codeeyeen.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cirro oo guddoomiye u ah xisbiga Wadani ayaa  doonaya in uu tartan xoog leh u galo sidii uu ugu guuleysan lahaa doorashada Madaxweynaha ee Maamulka Somaliland.

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com