Advertisements
Advertisements

In ka badan 29 ruux oo ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Afghanistan

Baladweyne(HNN) Qarax ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada Herat ee dalka Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 30 qof kuwo kalana way ku dhaawacmeen.

Qaraxa, oo ka dhacay masjidka Jawadia, ayaa ku soo beegmay salaadda cishaha.

Saraakiisha ayaa sheegaya in ugu yaraan labo qof ay weerarka soo qaadeen – nin is qarxiyay iyo mid dadka masjidka ku cibaadeysanayay xabbado ku furay.

Afhayeen u hadlay maamulka magaalada ayaa BBC u sheegay in khasaraaha uu kordhi karo.

Wuxuu sheegay in ugu yaraan 29 qof ay dhinteen, halka 64 kalena ay ku dhaawacmeen.

afghanistan

Weli ma jirto cid sheegatay qaraxa oo ka dhacay goob ay ku badan yihiin Muslimiinta Shiicada ah. Afhayeen u hadlan ururka Taliban, oo hore u qarxiyay masaajiddo ay shiicada leeyihiin oo dalkaasi ku yaalla, ayaa farriin qoraaleed ay warbaahinta u direen ku cambaareeyay weerarkaasi.

Magaalada Herat, ayaa ku taalla meel u dhow xadka Iiraan, waxaana lagu tilmaamaa mid ka mid ah magaalooyinka ugu ammaanka badan Afghanistan

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com