Advertisements
Advertisements

Kulankii Baarlamaanka maanta ee go’aan loogaga gaari lahaa Wasiir Xoosh  oo kooram la’aan u baaqday

Muqdisho [HNN] Kulankii Baarlamaanka maanta oo kooram la’aan u baaqday go’aan ka gaarista Xil heynta Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa u baaqday kooram la’aan kadib markii ay inta badan xildhibaanada baarlamaanka ay soo xaadiri waayeen.

Baaqashada kulanka baarlamaanka maanta oo ahaa mid xasaasi ah ayna dadku u dheg taagayeen ayaa laga dareemayaa kala qeybsanaan ka dhex jirta xildhibaanada baarlamaanka.

Wasiirka Dastuurka ee dowlada federalka C/maan Xoosh Jibriil oo hore uga baaqsady in uu hortago xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho mana jiro wax war ah oo ku saabsan aragtidiisa la xiriirta go’aan ka gaarista xil hayntiisa.

Xiisada ka dhex jirta baarlmaanka ee la xiriirta wasiirka dastuurka dowlada federalka ayaa keeni karta sabayn dhinaca siyaasada ah ee ka dhex abuurta dowlada iyo baarlamaanka,iyadoo xalay oo dhan laga dareemayay magaalada Muqdisho xiisad siyaasadeed.

 

Kulanka maanta ayaa lagu waday in go’aan ka gaarista ay noqon doonto aqlabiyada halka ay u codeeyaan, marka Guddoonka uu sharxo ajandaha in codka loo qaado Wasiirka uu miiska soo saaro, go’aanka ay u codeeyaan Xildhibaanada ay kala cadaan doonto sida uu sheegay Xildhibaan Dhalxa.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com