Advertisements
Advertisements

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Finalka Audi Cupka Ee Liverpool Vs Atletico Madrid Iyo Xidigaha Ay Klopp Iyo Simeone Kulankan U Soo Xusheen.

Kooxaha Liverpool iyo Atletico Madrid ayaa iskaga hor imanaya finalka Audi Cupka kadib markii ay kulamadii ay soo ciyaareen guulo ka soo gaadheen kooxaha Bayern Munich iyo Napoli. Liverpool ayaa guul wayn ka soo gaadhay kooxda garoonkeeda koobkan lagu ciyaarayo ee Bayern Munich halka Atletico Madrid ay guul xili danbe ahayd kaga soo talaabasatay Napoli.

Jurgen Klopp ayaa shaxdiisii kulankii Bayern Munich ku sameeyay sagaal isbadal wuxuuna ku qasbanaaday in uu soo qadimo ciyaartoydii aan kulankii Bayern shaxdiisa ku soo bilaaban marka laga reebo Sadio Mane iyo Emre Can oo laba maalmood oo xidhiidh ah shaxda Klopp ka soo wada muuqday.

Klopp ayaa si lama filaan ah goolkiisa ugu soo bilaabay da’yarka Ward inkasta oo ay kaydka ku jiraan Karius oo kulankii Bayern goolka ku jiray iyo Mignolet .Roberto firmino, Hedrson ayaa kaydka ku jira laakiin waxaa gabi ahaanba kulakan seegay Coutinho, Mohamed Salah iyo Sturridge.

Liverpool ayaa xaqiijisay in la nasiiyay Coutinho, Salah, Lovren iyo Moreno iyada oo aan la sheegin in wax dhibaato ahi ay jirto balse waxaa maqnaanshahooda lagu tilmaamay in la nasiyay oo kaliya.

Fernando Torres oo ayaan shaxda Atletico Madrid ku soo bilaaban iyada oo la filayo in uu qaybta danbe soo gali doono si uu uga hor yimaado kooxdiisii hore ee Liverpool.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

LIVERPOOL: Ward, Flanagan, Gomes, Klavan, Milner, Emre Can, Wijnaldum, Lallana, Woodburn, Sadio Mane, Solanke

KAYDKA:Karius, Mignolet, Firmino, Origi, Henderson, Grujic, Robertson, Matip, Kent, Ejaria, Alexander-Arnold.

ATLETCO:Moyá, Vrsaljko, Giménez, Lucas, Sergi, Kranevitter, Augusto, Thomas, Keidi, Correa and Vietto

KAYDKA: Werner, Savic, Juanfran, Filipe, Gabi, Gaitán, Torres, Griezmann, Olabe and Amath

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com