Advertisements
Advertisements

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya go’aan ka gaarista xil heynta Wasiirka arimaha dastuurka

Muqdisho [ HNN] Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya go’aan ka gaarista Xil heynta Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Kulan shalay Guddiga Joogtada ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ayaa waxay isku raaceen in arrinta Wasiirka loo gudbiyo kulanka guud ee golaha shacabka, iyadoo illaa 10 ka mid ah xubnaha Guddiga Joogtada ay ogolaadeen in kiiska loo soo gudbiyay dib loogu celiyo Xildhibaanada, si ay go’aan uga gaaraan.

Kulanka maanta ayaa ah mid aad xasaasi u ah oo isha lagu wada haayo, waxaana la ogeyn sida uu noqon doono go’aanka Baarlamaanka ka qaadan doono arrinta Wasiir Xoosh

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com