Advertisements
Advertisements

Ciidanka Jabuuti ee AMISOM oo fashiliyay qaraxyo

Baladweyne(HNN) Ciidamada AMISOM ayaa ee ku sugan Magalaada Jalalaqsj ayaa Ku guuleystay qarax miino oo lagu aasay  goob ay Ku baran gadiidka ka yimada Magaalada Bula burde ee gobolka Hiiraan.

Goob joogayaal ayaa Hiilnews. com u sheegay in ciidamada AMISOM ay ka war heleen in goobta gadiidka lagu baaro xalay lagu aasay qarax islamarkana ay fashiliyeen.

Sido kale waxaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay bixiyeen miino lagu aasay  qeybo ka mid ah Magaalada Jalalaqsi taaso la rabay in lagu waxyeeleeyo dadka rayid ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM iyo maamulka Degmada Jalalaqsi oo Ku Aadan qaraxyadan la fashiliyay.

Al shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa dhowr mar qarax iyo weerar toos ah ku qaaday fariisiimaha ciidamada,xaruumaha dowlada.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com