Advertisements
Advertisements

Laacibiin Caan Ah oo Lagu Kala Gatay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda Xalay

Jimco, September, 1, 2017(HNN)  Waxaa xirmay inta badan suuqa kala iibsiga ciyaartooyda Qaarada Yurub, iyadoo kooxaha ay ciyaartooy keensadeen kuwo kalana ay iska fasaxeen ama gadeen.

Ciyaartooyda caanka ah kooxahoodii ka tagay kuna biiray kuwo kale waxaa ka mid ah weeraryahankii kooxda Monaco Kylian Mbappe oo ku biiray kooxda Paris St-Germain xalay saqdii dhexe.

PSG waxay ku Mbeppe ku heshay heshiis amaa ah, balse waxay ku gadan doontaa lacag dha £165.7m.

Wuxuu saxiixay heshiis afar sana ah oo uu kula joogi doono kooxdan ka dhisan caasimada France ee Paris.

Mpbebe ayaa ka mid ah xulka France. Wuxuu ka mid ahaa ciyaartooydi goolasha ka dhaliyey xulka Holland xalay fiidkii, kulan ka tirsanaa is-reeb reebka kobka aduunka.

Ciyaartaas ayaa waxay kusoo dhamaatay 4-0 oo ay guusha ku raacday xulka France.

*Koxda Chelsea ayaa lasoo wareegtay daafacii kooxda Torino Davide Zappacosta. Laacibkaan heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa saxiixay qandaraas afar sana ah.

25 jirkaan ayaa Torino tagay sanadki 2015-ki markaas oo uu kaga yimid naadiga Atalanta. Xulka Talyaaniga afar jeer ayuu u ciyaaray sanadki 2016-ki.

* Tottenham ayaa lasoo wareegtay weeraryahankii kooxda Swansea Fernando Llorente kadib marki ay ku iibsatay lacag dhan 15 milyan oo pound-ka ingiriiska ah. Wuxuu saxiixay heshiis lab asana ah.

Laacibkan u dhashay dalka Spain ayaa ka tirsanaa kooxda Swansea tan iyo sanadki 2016-ki, wuxuu tan iyo muddaasi u dhaliyey 15 gool.

*Weeraryahankii kooxda AC Milan M’Baye Niang, ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga Torino ee dalka Talyaaniga.

Torino ayaa ku heshay xidigaan u dhashay dalka France si amaah ah balse ku qasban in ay bixiso sanadka danbe lacag dhan 15 milyan oo Yuro.

Sidoo kale heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in Milan ay heli doonto boqolkiiba 15 hadii ay Torino iska iibiso mustaqbalka.

Mar uu la hadlay xalay warbaahinta Talyaaniga, ayuu Niyang sheegay in sababta ugu weyn ee uu Torino u aaday ay tahay macalinka kooxda Sinisa Mihajlovic oo uu xiriir wanaagsani ka dhaxeeyo.

*Laacibka khadka dhexe ee kooxda Leicester City Danny Drinkwater ayaa isna u wareegay kooxda Chelsea oo ku iibsatay lacag dhan 35 milyan oo pound-ka ingiriiska ah.

Drinkwater oo ah 27 jir ayaa ku biiraya dhalinyarada maclin Antonio Conte oo sidoo kale xalay iibsaday daafacii kooxda Torino Davide Zappacosta oo ay ka keenee Torino.

Drinkwater oo ah 27 jir ayaa ka mid ahaa xidigihii Leicester City u qaaday horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkii 2015-16.

*Laacibkii hore ee kooxaha Manchester Uinted iyo Fenerbahce Nani ayaa ku biiray kooxda Lazio kadib marki uu kasoo tagay kooxda Valencia ee dalka Spain.

Nani oo ah 30 jir ayaa ugu biiray Lazio heshiis amaah ah oo qaadan doona hal xilli ciyaareed.

Wuxuu ka mid ahaa laacibiintii xulka Portugal u qaaday koobkii Qaramada Yurub ee sanadki 2016-ki.

*Kooxda Crystal Palace waxay ugu danbeyntii heshay daafacii kooxda Liverpool Mamadou oo ay ku iibsatay 26 milyan oo yuro.

Dalabkaan ayaa ahaa kii afraad oo ay Palace u dirto Liverpoo. Saddex jeer ayaa laga diiday balse ugu danbeyntii waa ay ku guuleysatay.

Xigasho VOA-Somali

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com