Advertisements
Advertisements

Maxaa Ka Jira In Kylian Mbappe Uu Ka Horjoogsaday Cristiano Ronaldo Riyadiisii Aheyd Inuu Dib Ugu Laabto Manchester United?

Axad, September,3 2017 (HNN) Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa la sheegayaa inuu seegay inuu si dareen leh dib ugu laabto Manchester United intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kabtanka Portugal ayaa la sheegay inuu u cadeeyay kooxdiisa inuu doonayay inuu ku laabto England ka dib markii kiiskiisa la xiriira lunsiga canshuur ee isaga ka dhanka ahaa laga bilaabay caasimada Spain.

Laakiin sida ay maanta qortay jariirada weyn ee The Times, riyadiisii aheyd inuu dib ugu laabto Manchester United ayaa meesha ka baxday markii xiddigii Monaco Kylian Mbappe uu diiday fekerka ah inuu Ronaldo ka bedelo Bernabeu.

Mbappe oo maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga ku biiray Paris Saint-Germain ayaa iska diiday cadaadiska ay leedahay inuu buuxiyo booska Ronaldo ee Real Madrid. Isagoo u arkay inay waxyeelo u geysan karto waayihiisa ciyaareed haddii uu ku hungoobo inuu buuxiyo booska Ronaldo ee Los Blancos.

Real Madrid ayaa ka dib isku dayday inay Gareth Bale ka iibiso Man United si ay lacag ugu helaan heshiiska 165ta milyan ginni ee ay ku doonayeen Mbappe laakiin ciyaaryahanka ayaa diiday inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

Bale ayaa dhaawac la dhibtoonayay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana uu awoodi waayay inuu boos joogta ah ka helo kooxda Zinedine Zidane.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com