Advertisements
Advertisements

Wenger: Waan ka laba labeeyey heshiiska Arsenal

Isniin,September, 4, 2017 (HNN)  Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuu ka laba labeeyey inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda xilli cayaareedkii tagey, sababtoo ah wuxuu shaki ka qabay inuu kooxda hoggaamin karo.

Si kastaba Wenger ayaa heshiis laba sano ah Arsenal la galay bishii May, bil ka hor inta uusan dhicin qandaraaska uu kooxda kula jiray.

Macallinka Arsenal ayaa u sheegay barnaamijka Telefoot ee TV-ga French inay jireen sababo shaqsi oo ka dambeeyey go’aanka uu dib ugu dhigay heshiiska uu la galay Arsenal.

“Muddo ayaan Arsenal macallin u ahaa, sidaas darteed mar walba waxaana is weydiiyaa inaan awood u leeyahay in kooxda gaarsiiyo heerka xiga” ayuu yiri.

Taageeryaasha Arsenal ayaa ku baaqay in Wenger ka tago kooxda, kadib markii ay xilli cayaareedkii tagey ku dhameystay kaalinta Shanaad, oo ahaa heerkii ugu xumaa inta uu macalinka u ahaa Wenger.

Horyaalka cusub ayey Arsenal sidoo kale ku billaabatay si hoose, ayada oo laga adkaaday laba ka mid ah saddexdii kulan ee ugu horreeyey.

Xigasho VOA-Somali

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com