Advertisements
Advertisements

Finaalka Ciyaarta degmooyinka Hodan & Waaberi oo lagu dhawaqay xiliga la ciyaari doono

khamiis, September, 7, 2017 (HNN)  Ciyaar Caawa lagu waday inay dhaxmarto degmooyinka Hodan iyo Waabari ayaa baaqatay sida ay sheegeen  Guddiga  Isboortiga gobolka Banaadir.

Finalka ayaa loo qorsheeyay in uu dhaco xilli habeen iyadoo dib loo dhigey in habeen dambe la ciyaaro kulanka finalka kadib markii iftiinka garoonka la saluugay.

Si kasta ha ahaatee ciyaarta Finalka ayaa la ciyaari doonaa habeen dambe sida uu xaqiijiyay Xasan Wiish oo ah guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir.

Waa markii ugu horeysay muddo kabadan labaatan sano xilli habeen ah lagu ciyaaro garoonka kubbada cagta ee Koonis Stadium.

Ugu dambeyntii Hase yeeshee Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah ayaa garoomo yaryar lagu ciyaaraa xilliyada habeenkii ah.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com