Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: kooxda Waabari oo 3-1 kaga badisay Hodan

Jimco,September,8, 2017(HNN) Kooxda kubadda-cagta ee degmadda Waaberi ayaa caawa si xaraga leh ugu guuleysatay tartanka kubadda-cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir ee sanadka 2017, kaddib makii 3-0 ay kaga adkaadeen kooxda kubadda-cagta ee degmadda Hodan.

Laacibka kooxda Waaberi ee lagu magacaabo Muxudiin, ayaa si weyn uga dhex-muuqday ciyaarta, waxaana qeybtii hore ee kulanka uu dhaliyay labo kamid ah goolashii ay kooxdiisu ku adkaadeen.

Waaberi ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Sami final-ka waxay soo reebtay Degmada Hilliwaa, halka Hodan  ay soo garaacday Kaaraan.

Magaalladda Muqdisho xili habeen ah kubad-cag oo heerkan oo kale in lagu ciyaaro waxaa ugu dambeysay 30-sano ka hor, sida xiriirka kubadda-cagta uu sheegay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed, guddoomiyaasha labada degmo ee caawa ciyaareysay, mas’uuliyiinta xiriirka kubadda-cagta Soomaaliya iyo dad ku dhow hal million oo qof, ayaa daawaneysay, kulankii caawa oo ahaa mid si xamaasad leh ku bilowday.

Xiriirka kubadda-cagta adduunka ee FIFA, ayaa boggaadiyay hormarka Soomaaliya ka jira, ee dhinaca ciyaaraha.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com