Advertisements
Advertisements

DEG-DEG: Philippe Coutinho Oo Laga Saaray Liiska Ciyaartoyda Liverpool Ee Wajahaya Dhigooda Manchester City Sabtida

Jimco,September, 8, 2017 (HNN) Kubad sameeyaha qaranka Brazil Philippe Coutinho ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Reds ee wajahaya Manchester City sabtida xilli xidigaan uu ku hami weynaa inuu kooxdiisa u ciyaaro markii ugu horeysay xilli ciyaareedkaan.

Philippe wuxuu kooxdiisa ku jahawareeriyay matalaad dhaawac oo been ah muddo dhawr todobaad ah isagoo doonayay inuu ku cadaadiyo in laga iibiyo Barcelona, waxeyna wax walba cadaadeen markii uu qaranka Brazil laba kulan uga soo muuqday.

Si kastaba Jurgen Klopp ayaa go’aansaday inuu xidigaan ka saaro liiskiisa wajahaya Manchester City, mana ka mid ahan xidigaha u safraya magaalada Manchester.

“Waxaan yeelanay wadahadal wanaagsan, wuxuu ahaa mid niyad wanaagsan, tababarkiisana wuxuu ahaa mid ka fiican sidii hore, waxaan heysanaa todoba kulan muddo sadex isbuuc ah, mana jiri doonto waqti aan tababarano’

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com