Advertisements
Advertisements

Maamulka Horyaalka La Liga Oo Qorsheynaya In Kulamada Qaar Lagu Ciyaaro Dibada & Tebes Oo Qiray In La Liga Uu Yahay Madadaalo Caalami Ah

Jimco,September, 8, 2017 (HNN) Maamulka kubadda cagta Spain ayaa ku fakaraya qorshe ay wadamada dibadda ku martigaliyaan kulamada La Liga sida ugu dhaw xilli ciyaareedka soo aadan.

Soo jeedinta ayaa la filayaa iney goor dhaw ka doodaan 20-ka kooxood ee ugu sareeya horyaalka heerka koowaad iyadoo maamulka La Liga uu ku haminayo iney siyaadi karto faa’iidada dhaqaale ee ay ka helayaan taageeryaaasha caalamka.

Madaxweynaha horyaalka La Liga Javier Tebas ayaa soo jeediyay in horyaalka uu yahay madadaalo caalami ah isagoo xaqiijiyay iney socdaan olole ay ku hirgalinayaan arintaan.

“La Liga waa madaalo caalami ah, waxaan dooneynaa inaan inaan sameyno codsi caalami ah” ayuu yiri Javier Tebas oo la hadlayay Financial Times.

“Qeyb ka mid ah dadalka wuxuu yahay inaan ka doodno dooqa ah in lagu ciyaaro inyar oo ka mid ah kulamada horyaalka meel ka baxsan Spain”

Javier Tebas wuxuu soo galiyay La Liga dhaqaale badan tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 2013, wuxuu heshiis sadex sano ah la saxiixday TV-yada gudaha kaas oo ku kacaya 2.65 Billion oo Euro sanadkii 2016. Inkastoo La Liga uu wali ka hooseeyo Premier League kaas kasbaday 5.14 Billion marka la fiiriyo xuquuqda baahinta ee hadda heshiiskeeda lagu jiro kaas oo socconaya ilaa 2019.

Ugu dambeyntii Relevent Sports maamulaheeda Charlie Stillitano ayaa wadamada yurub usii gogol xaaray iney America, China & wadamada kale ee bariga fog ay macquul tahay iney kusoo kordhiyan fikir lagu geynayo tartamo rasmi ah.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com