Advertisements
Advertisements

Toni Kroos Oo Safanaya Kulankiisii 100-aad Ee La Liga & Xidigaha Jarmalka Ah Ee Kaga Horeeyay Darajadaan.

Sabti,September,9, 2017 (HNN)  Real Madrid xidigeeda darajada sare ee Toni Kroos ayaa safanaya kulankiisii 100-aad ee La Liga tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda boqortooyada sanadkii 2014, wuxuuna kusoo bilowday kulanka ay goor dhaw la ciyaarayaan Levante.

Toni Kroos waa wiil guulaha u saaxiib ah 99-kulan ayuu Madrid kasoo muuqday kulamada La Liga wuxuuna gaaray 73-guulood, halka uu guuldaro la kulmay kaliya 12-jeer, barbaro ayuuse helay 14-jeer.

Mudadaas Toni Kroos wuxuu shabaqa soo taabtay 7-jeer taasoo ka dhigan inuu waxqabad muuqda la yimid marka laga fiiriyo booskiisa.

Toni Kroos wuxuu kusoo bilowday 98-kulan, sidoo kalana 78-ka mid ah wuu dhameestay taasoo ka dhigan inuu yahay xidiga labaad ee ugu safashada badan kooxda tan iyo markii uu kusoo biiray kaliya Ronaldo ayaana ka badan.

Guud ahaan Toni Kroos wuxuu Madrid u ciyaaray 152-kulan, 99-kulan oo La Liga, 7-Copa del Rey, 36-Champions League, 4-Spanish Supercup, 2-UEFA Super Cup iyo 4-Club World Cup.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com