Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Qarax gaari oo ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho

Isniin, September, 11, 2017(HNN) Weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyabaha qarxa ayaa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, kaasoo laga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari islamarkana u ka dhacay nawaaxiga Hotelka Wehliye.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in qaraxan in ay ku dhinteen ilaa Saddex qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay muujinayaan burbur xoogan oo soo gaaray goobaha ganacsi ee halkaasi ka akdhow.

Shaqaalaha gobolka Banaadir u qaabilsan qeybta Nadaafadda ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howlo nadaafadeed, si ay u soo celiyaan bilicdii wadada.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay tahay goob aad u camiran, maadaama ay ka furan yihiin goobo ganacsi, waxaana xilliyadii galabkii soo fariista dad aad u fara badan oo goobtaasi ku shaaheeya.

Maxamed Cabdi Saney,

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com