Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Shir wadatashi ah oo Guudoomiyasha degmooyinka Hiiraan & sh,dhexe uga furmay Jowhar

isniin, September, 11, 2017(HNN) Magalaada jowhar ee Xaruunta Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa maanta ka furmay shir wadatashi ah oo socon doona muddo labo maalin ah kaaso looga hadlayo Maamul Daadijinta Hirshabelle.

Shirkan wadatashiga daadijinta Maamulka ayaa waxaa ka qeyb galaya Guudoomiyasha degmooyinka Gobolka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe waxan goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen  Guudlawe, Wasiirka Ariimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle,Guudoomoiyaha Gobolka shabeellaha dhexe, Axmed Meyre Makaraan, Guudoomiye ku xigeenka dhanka ariimaha bulshada ee gobolka Hiiraan,Sheekh Cismaan Cali, iyo xubno kale,

Wasiirka Ariimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle, Maxamed Cali Caadle,iyo Guudoomiyaha Maamulka Gobolka shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ka hadlay furitaanka shirkan ayaa sheegay in  kulanka uu  muhiim u yahay in ay maamulada degmooyinka ay ka doodaan sidii hoos loogu daadejin lahaa maamulka illaa heer tuulo oo ay dadka oo dhan ka wada qeyb qaatan.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen Cali guudlaawe, ayaa sheegay in xubnaha ka qeyb galaya kulanka islamarkana ka kala socda degmooyinka degmooyinka Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe looga fadhiyo inay kulankan ka soo saaran natiijo wax ku ool ah.

Ugu dambeyntii Shirkan wadatashiga ee maanta ka furmay Magaalada Jowhar ayaa noqonaya shirkii ugu horeyay ee loo qabto Guudoomiyasha degmooyinka Gobollada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Maxamed Cabdi Saney,

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com