Advertisements
Advertisements

Gaari weeraro ka geystay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Isniin,September 11, 2017  (HNN) Ciiddamada ammaanka degmada Dharkeynley ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Gaari NOAH ah, kaasi oo labadii maalmood ee ugu dambeysay masuuliyiin iyo dad shacab ahba ku rasaaseeyay degmadaasi.

Maalin kahor degmada Dharkeynley ayaa rag hubeysan oo watay NOAH-da la qabtay waxa ay rasaas ku fureen Gaari uu lahaa Guddoomiye ku xigeenka Dharkeynley Shaarkey, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, balse Guddoomiye Shaarkey ma uusan saarneyn gaariga.

Sidoo kale shalay koox hubeysan oo wadatay Gaarigan NOAH-da ah ayaa gaari qooqan ah oo ay saarneeyeen Saddex ruux waxa ay ku rasaaseeyeen degmada Dharkeynley, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Maamulka degmada Dharkeyney iyo Saraakiisha Ciidamada ammaanka aya warbahinta u xaqiijiyay gaarigan ay qabteen inuu yahay mid labadii maalmood la soodhaafay weeraro kala duwan ka geystay degmada.

Ciise Cabdi Ciise,

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com