Advertisements
Advertisements

Maamulka koonfur Galbeed oo sheegay in Mukhtar roobow uu saacaddaha soo socda iman doono Baydhabo

Isniin,September 11, 2017  (HNN)—Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faahfaahin ka bixiyay warar ay saakay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida oo ahaa in Sheekh Mukhtaar Roobow uu ku wajahan Magaalada Baydhabo.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar oo la hadlay Mid ka mid ah Idaacadaha Maxali ah ayaa  waxaa uu sheegay in Sheekh Mukhtaar uusan maanta imaan doonin Baydhabo laakiin la filaayo maalmaha soo socda in uu yimaado.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in sababta uu u taagayo Baydhabo ay ka hadli doonaan Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntii tilmaamay Mukhtaar Roobow in uu soo booqanaayo Baydhabo maadaama ay tahay Magaalada uu kasoo jeedo.

Shiikh Rooboow oo in Muda ah ka Tirsanaa Alshabaab ayaa Hada U muuqday Mid la qabsanaya Siyaasada Dowlada soomaaliya, Mar hadii uu Ku wajahan Yahay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay.

Ciise Cabdi Ciise.

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com