Advertisements
Advertisements

Al shabaab oo sii dayay labo ka mid ah Saddex gabdhood oo ay ka afduubteen gobolka Hiiraan.

Talaado,September.12, 2017(HNN) Ururka Al shabaab ayaa sii dayay  labo ka mid ah saddex gabdhood oo ay dhawan ka afduubteen degmada Far-libaax ee Gobolka Hiiraan kuwaaso geeyay Degmada Buq aqable ee gobolka.

Qaar ka mid ah ehelada gabdhahan la sii dayay Hiilnews u sheegay in iska afgarad dhaxmaray Ehelada gabdhaha iyo Al shabaab lagu sii dayay.

Mid ka mid ah saddexdan gabdhood ayaa la sheegay inay wali gacan ku haya Al shabaab islamarkana ay ku sugan tahay Buq Aqable oo ka mid ah deegannada ay Maamulan Al shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegay in labada gabdhood madax furasho looga qaatay min 13,000 kun oo dollar.

Saddexdan gabdhood ayaa ka shaqeeya ha’yad  Hello Trast oo ka shaqeysa ariimaha miino baarista islamarkana ka howlgasha Magaalada Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan.

Al shabaab ayaa dhowr mar oo hore shaqaale ka tirsan ha’yadaha Samafalka  ee ka howlgala gobolka Hiiraan ka afduubtay deegan hoos taga Magaalada Baladweyne. Inkasto markii dambe ay sii dayeen.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com