Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Musharax Madaxweyne Cabdi Faarax laqanyo oo kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan AMISOM

Talaado,September,12,2017(HNN) Cabdi Faarax Sharaawe (laqanyo) oo ka mid ah Musharixinta u tagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta Magaalada Jowhar kulan kula qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ku  sugan gobolka shabeellaha dhexe.

Musharax Madaxweyne Cabdi Faarax Laqanyo ayaa saraakiisha kala hadlay xoojinta amaanka inta lagu guda jiro doorashada Madaxweynaha oo sabtida soo socota ka dhaceysa Magaalada Jowhar.

Cabdi Faarax laqanyo ayaa olole ka wada Magaalada Jowhar isago kulamo iyo shirar gooni gooni ah la qaadanaya Xildhibannada.Saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka ka soo jeeda deegannada Hirshabeelle isago ka dhaadhicinaya qorshihiisa siyaasadeed.

Sawirada Xafiiska Musharax Cabdi Faarax Laqanyo.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com