Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Musharax Madaxweyne Laqanyo oo booqday xaruunta uu ka socda shirka dib u heshisiinta ee jowhar

Talaado,September,12, 2017(HNN) Magalaada jowhar ee Xaruunta Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka socd shir dib u heshiisin oo u dhexeya labo beelood oo dhawan ku dagalamay deegano hoos taga Magalaada Cadale ee gobolka shabeellaha dhexe waxa maanta booqday xaruunta Samsam oo u ka socdo shirka dib u heshiisiinta  Musharax Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle  Cabdi farax Laqanyo.

Musharax Madaxweyne Cabdi Farax laqanyo ayaa waxgaradka ka qeyb galaya kul dardaarmay inay ka dhabeeyaan heshiiska ay u fadhiyaan isago sheegay in hadii uu ku guuleysto Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle uu dib u heshiisin u furi doono dadka degan deegannada Hirshabeelle.

Cabdi faarax laqanyo ayaa ka mid ah musharixinta u tagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle waxana 16-ka bishan loo balansan yahay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka dhici doonta Magalaada jowhar.

Maxamed Cabdi Saney,

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com