Advertisements
Advertisements

Maamulka degmada Far-libaax oo sheegay in Sarkaal ka tirsan Al shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay Maroodile

Talaado, September, 12, 2017 (HNN) Dagaal u dhexeya Al shabaab iyo dadka deeganka ayaa ka dhacay deeganka Maroodile oo qiyaastii 24 km dhanka koonfur ka xiga degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan taaso dhawan  Madaxweynihii Maamulka Hirshabeelle CaliCabdulahi Cosoble, u magacabay inay ka mid noqoto degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Guudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda degmada Far-libaax ee gobolka Hiiraan Cawaale Isaaq Cabdulle ayaa  Hiilnews u sheegay in dagaalkan u dhaxmaray dadka deeganka iyo Al shabaab isago sheegay in weerarkan Al shabaab looga dilay afar ruux oo u ku jiro Madaxiihi maaliyada dhanka Gadiid  Al shabaab ee gobolka Hiiraan Macalin Aadan.

Cawaale isaaq Cabdulle ayaa sheegay in dadka deeganka uu hal qof uga dhintay dagaalka islamarkana mid kale uu ku dhawacmay  xiligan gacanta ay ku hayaan deeganka maleeshiyaadkii la dagalamay  Al shabaab.

 

Deeganka Maroodile oo  ay ku sugan yihiin Maleeshiyaad ka soo jeeda deeganka ayaa waxaa dhowr mar ka dhacay dagaal u dhexeya Al shabaab iyo dadka deeganka kaaso geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhawac.

Maxamed Cabdi Saney,

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com