Advertisements
Advertisements

Madaxweynihii Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulahi Cosoble oo ka duulay Baladweyne kadib markii looga yeeray Muqdisho

Talaado,September, 12,2017(HNN) Magalaada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa galinkii dambe ee maanta ka duulay Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble oo muddo ku sugan Magaalada kadib markii xildhibannada Hirshabeelle 14-kii bishii la soo dhafay ay sheegeen inay xilka ka tuureen.

Madaxweynihii Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble  ayaa la sheegay inu gaaray Magalaada Muqdisho kadib markii sida la sheegay looga yeeray Maxkamadda sare ee dalka si loo guda galo dacwad dhawan  u gudbiyay Maxkamadda.

Cali Cabdulahi Cosoble ayaa wali ku adkeysana inu yahay Madaxweynaha saxda ee Maamulka Hirshabeelle waxan dhawan Magalaada jowhar lagu wada inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle,

Maxkamadda sare ee dalka ayaa looga fadhiya inay go’aan ka gaarto khilaafka ka dhashay xil ka qaadista Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ay ku sameeyeen Madaxweynihii Maamulka Cali Cabdulahi Cosoble.

Maxamed Cabdi Saney,

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com