Advertisements
Advertisements

AUN Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin oo maanta lagu Aasay Magalaada Muqdisho,

Arbaco,September, 13,2017(HNN)  Allaha Unaxariistee Waxaa maanta lagu aasay qabuuraha baraakaad ee magalada muqdisho wariye cabdulaahi cismaan oo ahaa wariyihii jubalaand tv ugu wakiilka ahaa gobalka hiiraan oo ku dhawaacmay qarax ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Beledwayne Maalo Ka Hor.

Aaska wariyaha ayaa waxaa ka qeyb galay ehelada marxuunka xubno ka tirsan maamulka gobalka banaadir Iyo wariyaal kala duwan ee ka Howlgala Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaar ka mid ah Suxufiyiintii ka qaybgalay Aaska iyo Agaasimaya Tv-ga Jubaland ee Muqdisho Xasan Maxamed Aways ayaa si wadajir ah Uga Tacsiyeeyay Bahda Saxaafada iyo Ehelada uu ka Geeriyooday Weriye Cabdullaahi Cismaan Macalin.

Jamaac Cali Yare oo ah Gudoomiyaha Ururka Suxufiyinta Gobalka Hiiraan ayaa Ka sheekeeyay Taariikhda Marxuumka.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar iyo Madaxa Xariirka ee Madaxtooyada soomaaliya C/risaaq Jaamac cilmi Black ayaa dhankooda si wadajir ah Tacsi ugu Diray Bahada Saxaafada soomaaliyeed.

Maalma Ka Hor ayay aheed Markii Qaaxi Ku taala beledwayne Ruux isku soo xiray walxa qaraxa uu isku qarxiyay Meel aan sidaa Uga sii Fogeen Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan.

Ciise Cabdi Ciise,

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com