Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Bananbax looga soo horjeedo in mooshin laga keeno Xukumadda oo ka dhacay afafka hore ee Xaruunta golaha shacab-ka

Arbaco,September,13, 2017(HNN)  Bananbax looga soo horjeedo in mooshin laga keeno Xukumadda oo ka dhacay afafka hore ee Xaruunta golaha shacab-ka waxan dadkii banaanbaxa dhigayay rasaas ku kala eryay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada,

Dadka dibad baxayay oo isugu jiray haween, iyo carruur ayaa watay sawirada Madaxda dowladda iyo boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan, waxaa badankood ay ka soo baxeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Waabari iyo Howlwadaag.

Ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayay xarunta golaha shacabka iyo hareeraheeda ayaa dadkan rasaas cirka ugu riday, si ay u kala eryaan, waxaana qaar ka mid ah dibad baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka xun yihiin in ciidamada ay rasaas ku kala eryaan, isla markaana ay taageersan yihiin Xukuumadda, ayna ka soo horjeedaan in Xukuumadda laga keeno mooshin.

Waa markii u horeysay banaan baxayaal taageersan Xukuumadda ay kala eryaan Ciidamada, iyadoo la xiray dhamaan waddooyinka soo gala xarunta golsha shacabka.

Maxamed Cabdi Saney,

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com