Advertisements
Advertisements

DAAWO+ SAWIRRO: Saxafiyinta Hiiraan oo ka tacsiyadeyay geeridi ku timid AUN Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin

Arbaco, September,13, 2017(HNN) Saxafiyinta ka howlgala Gobolka Hiiraan ayaa ka tacsiyadeyay geeridi ku timid allaha unaxariiste Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin oo ka mid ah saxafiyinta ka howlgala Gobolka Hiiraan islamarkana Wakiil Wareed u ahaa Tvga Jubbaland kaaso isbitaalka digfeer ee Magalaada Muqdisho ugu geeriyooday dhawac ka soo gaaray Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday maqaayad ku talla afaafka hore ee laga galo xaruunta Maamulka gobolka ee Magalaada Baladweyne.

” Waxan halkan tacsi uga direyna dhamaan eheladii iyo Asxaabtii u ka geeriyooday Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin wuxu ahaa shaqsi howl kar ah oo dadkiisa u shaqeynayay xiliga  u dhawacmayay wuuxu ku guda jiray howlihiisa shaqo Maamulka Jubbaland Tv waxan ugu baqeyna inay garab istagan xaaska iyo caruurta u ka tagay marxuum-ka.

Allaha unaxariiste Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin oo ka mid ahaa Saxafiyinta ka howlgala Gobolka Hiiraan ayaa ifka uga tagay  Xaas iyo hal gabar.waxana maanta lagu asay Magalaada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Cabdi Jamaal Macalim Axmed.

Hiilnews.com

Abduljamal20@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com