Advertisements
Advertisements

DEG DEG: Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin oo u geeriyooday dhawicii ka soo gaaray weerarkii Baladweyne

Arbaco,September,13,2017(HNN) Allaha unaxariiste waxaa Magaalada Muqdisho Ku geeriyooday Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin oo ahaa wakiil wareedka Jubbaland Tv ee Gobolka Hiiraan kaaso ku dhawacmay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaayad Ku taala afaafka hore ee laga galo xaruunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Marxuumo Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin oo dhawac ahaan loogu qaaday Magaalada Muqdisho ayaa la dhigay isbitaalka digfeer waxan dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka ay sheegeen inaan waxba laga qaban Karin dhawiciisa islamarkana bir ay kaga jirto madaxa taso keentay inu u geeriyoodo.

Maamulka iyo shaqaallaha Hiilnews waxay tacsi u dirayaan qoyskii u ka geeriyooday marxuum-ka gaar ahaan Xaaskii  iyo caruurtii u ka tagay.waxan alle ay uga baryayaan marxuumka inu janadii fardowsa ka waraabiyo.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com