Advertisements
Advertisements

Doodii Xildhibaanada Ee Cabdikariim Qalbi dhagax oo soo dhamaatay iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo gudi usaaray.

Arbaco, September,13, 2017(HNN) Doodii Xildhibaanada Golaha shacabka ay ka lahaayeen qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax ayaa goor dhow soo dhamaatay, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in arrintan loo saaray Guddi.

Xildhibaanada ayaa doodooda aad ugu kala aragti duwanaa, qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku doodaya in go’aankii Xukuumadda uu ahaa mid aan sharci aheyn, isla markaana ay khalad aheyd in dowladda Soomaaliya u gacan geliso Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa dowladda Itoobiya iyaga oo ku dooday in uu ahaa qof soomaali ah.

Qaar kamid Xildhibaanada  ayaa utaageeray  go’aanka Golaha Wasiirada gaareen 6-dii bishan, iyagoo qaarkood ku taageeray in uu ahaa mid sax ah loona baahneyn in shacabka Soomaaliyeed Tafsiir Qaldan laga siiyo bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan  ayaa gaban gabadii markii dooda dhamaatay waxaa uu ku dhawaaqay in arrintan ay guddi u saareen, isla markaana Guddiga marka uu arrintan ka soo tala bixiyo natiijada loo soo gudbinayo Xildhibaanada

Guddigan ayaa la filayaa inay ka yimaadaan Guddiyada joogtada ee golaha shacabka, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamanaka uu sheegay in xubnaha Guddiga ay dib ka soo sheegi doonaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirtay sidii arrintan xal looga gaari lahaa, isla markaana go’aankii ay gaartay loo aqbali lahaa, hase yeeshee  waxaa arrinta ku soo  kusoo dhamaatay in Guddi loo saaro go,aanka kama dambeysta ee ay qaadanayaan Baarlamaanka Soomaaliya jawaabta ay soo celiyaan gudiga loo saaray ayaa ah mid bulshada Soomaaliyeed ay siweyn usagayaan.

Cabdijamal Macalim Axmed,

Hiilnews.com

Abduljamal20@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com