Advertisements
Advertisements

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo xilka ka qaaday Wasiir taageeray dhiibistii Qalbi Dhagax

Arbaco, September,13, 2017(HNN Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee xiriirka Gobolada Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan.

Wareegto uu saaray Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Bashiir C/raxmaan, kaddib markii uu ku kacay Mas’uuliyad darro iyo hab dhaqan lid ku ah hanaanka dowladnimo.

Lama oga wareegtadan xil ka qaadista inay salka ku heyso hadal uu Wasiiru dowlaha siiyay Warbaahinta, kaasoo uu ku taageeray go’aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo bishii hore loo gacan geliyay Itoobiya.

Ciise Cabdi Ciise,

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com