Advertisements
Advertisements

Oromo iyo Soomaali ku dagaallamay bariga dalka Itoobiya

 Arbaco, September,13, 2017(HNN)Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay halka ay kudhawaad 600 oo qof oo kalena waa ay ku barakaceen rabshadaha  cusub ee ka billowday Bariga Itoobiya.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen rabsahdo shalay ka dhacay magaalooyinka ku yaalla Bariga Itoobiya.

Tiro kale oo dad ah ayaa ku dhaawacay rabshadahaasi, halka dhismooyin dowladdu leedahay iyo gawaari la burburiyay inta ay rabshaduhu socdeen.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dhacyadaasi ku micneysay muran ka dhashay xadka u dhaxeeya Oromada iyo gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa ku eedeyneysa cutub gaar ah oo ka tirsan booliiska Ismaamulka Soomaalida ee ay deriska yihiin inay geystaan dilal iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda bini`aadamka.

Isku dhacyadan ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah balse waxay soo xoogeysteen toddobaadkan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa in odayaal dhaqameedyada labada dhinac ay kala kaashaneyso xallinta khilaafaadka u dhaxeeya. Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo milatariga ka tirsan ay haatan ilaalinayaan waddooyinka magaalada ay isku dhacyadu saameeyeen.

Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ka qaadday gobolka Oromada bandow 10 bilood saarnaa, xili ay ay dalka ay ka jireen dhibaatooyin kala duwan kaddib in ka badan labo sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaasi oo ay dowlada toobiya sheegtay in ay jiraan dad rabshoolayaal ah oo doonaya in ay dadka iyo dalka wax yeelaan.

Maxamed Cabdi saneey,

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com