Advertisements
Advertisements

SAWIRRO: Musharixinta Madaxweynaha Hirshabeelle oo hadda qorshahooda siyaasadeed ka hor jeedinaya Baarlamaanka

Arbaco, September,13, 2017(HNN) Magalaada Jowhar ee Xaruunta Maamulka Hirshabeelle  ayaa waxaa gordhow ka bilowday dhageysiga khudbadaha Musharixinta u tagan qabashada xilka Madaxweynaha oo maanta Baarlamaanka Hirshabeelle ka hor jeedinaya qorshahooda siyaasadeed ee ku aadan hadii ay ku guuleystan Madaxweynaha Hirshabeelle.

Gudiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in maanta qorshahooda siyaasadeed ay soo bandhigi doonaan ilaa afar musharax islamarkana maalinta beri ah afarta kale ay soo jeedin doonaan maadaam musharixinta tartamaya ay gaarayaan ilaa sideed musharax.

Musharax Madaxweyne Cabdi Faarax laqanyo ayaa xiligan khudbad u jeedinaya Xildhibannada Baarlamanka Hirshabeelle isago ka warmay waxyabaha u qaban doono hadii uu ku guuleysto Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Tariikh nololeedkiisa.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa kala ah.

Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo.

Cabdikariin Cali Nuur.

Daahir Cabdulle

Maxamed Cabdi Waare.

Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).

Cabdinaasir Shirwac Maxamed.

Maxamed Caruush Diirow iyo

Cabdiraxmaan Xuseen Caddow.

Maxamed Cabdi Saney,

Hiilnews,com

Mcsaney@gmail.com

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com