Advertisements
Advertisements

Al shabaab oo weerar ku qaaday barkoontarool oo lagu qaado canshuurta oo ku tala duleedka Balcad

Arbaco,October,11,2017(HNN) Xoogga Al shabaab ayaa Weerar ku qaaday deeganka  Basra oo ka mid ah deegannada hoos taga Magalaada Balcad ee Gobolka shabeellaha dhexe halkaso ciidamada dowlada ay canshuurta uga qaadan gadiidka u kala safra Magalooyinka Balcad iyo Afgooye oo kala tirsan Gobollada shabeellaha dhexe iyo shabeellaha hoose,

inkastoo ilaa hadda la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarkan Al shabaab ay ku qaaday deeganka Basra ayaa haddana ururka Al shabaab  ay sheegeen inay ku dileen ilaa lix askari oo ka tirsan Ciidamada dowlada Federaalka ee ku sugna  koontaroolkan lagu qaado canshuurta.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Balcad oo ku aadan weerarka lagu qaaday ciidamada fariisinka ku lahaa agagaarka Tuulada Basra.

Al shabaab ayaa kordhiyay Weerarada  ay la beegsanayaan saldhigyada Ciidamada dowlada ay ku lee yihiin qeybo ka  mid ah Gobollada dalka.

Maxamed Cabdi Saney,

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com