Advertisements
Advertisements

Madaxda Maamul goboleedyada oo si Deg deg u imaanaya Muqdisho iyo Sababta ka dambeysa

Arbaco,October,11,2017(HNN)  Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ee ku shirsanaa magaaladaasi ay si deg deg ah u imaanayaan magaalada Muqdisho.

Shanta Madaxweyne goboleed ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa soo gabo gabeeyay shirkii ay lahaayeen, waxaana la filayaa saacadaha soo aadan in shirka laga soo saaro War Murtoyeed ay isku raacsan yihiin.

Ilo lku dhaw dhaw Madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu lasoo hadlay qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada kana codsaday in Muqdidsho deg deg u yimaadaan si uu ula hadlo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala hadli doona Madaxda maamul goboleedyada oo hada u muuqda kuwa dantooda isku baheestay shirka ay ku yeesheen magaalada Kismaayo iyo go;aanada ay soo saareen .

ciise cabdi ciise

Hiilnews.com

ciisecc12@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com