Advertisements
Advertisements

Shirka kismaayo oo maanta lagu wado in laga soo saaro warmurtiyeed

Arbaco,October,11,2017(HNN) Magaalada kismaayo ee xaruunta KMG. u ah Maamulka Jubbaland ayaa maanta lagu wada in maanta lagu soo gaba gabeeyo shirka u dhexeya Madaxweynayasha Maamulada ka jira dalka ee ka socda kismaayo islamarkana lagu wado in laga soo saaro warmurtiyeed.

Hogaamiyaasha Shirka ayaa diiradda saaray qodobo xasaasi ah oo ka taagan Soomaaliya waxaana taagnaa dodo kulul oo dhinacyada yeesheen.

Qodobada qaar ayaa la isku afgartay waxaana qaarkood la xaqiijiyay in lagu heshiin waayay waxaana la filayaa in maanta la soo saaro War-murtiyeed ku saabsan Shirkooda.

Hiilnews oo heshay qodobo dhor dhac ah oo ay Ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah.

In dib loo soo celiyo Madasha Wadatashiga Qaran iyo laga tala giliyo Wixii la xariira Lacagta, Ciidanka iyo Xariirka Caalamiga ah sidoo kale waxa ay qaar ka mid ah Soo jeediyeen in xariirka loo jaro Dowladda Soomaaliya in kastoo qdobkaas la isku afgaran wayay.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com