Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo gadiid Ciidan kala wareegay dowlada Federaalka

khamiis,October,12,2017(HNN) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta gaaray Magalaada Muqdisho kadib markii u Magaalada kismaayo uga soo qeyb galay shirkii Madaxweynayasha Maamulada ka jira dalka,

Madaxweyne Waare ayaa  Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid Saacid Kala Wareegay Gawaari Loogu Talo galay in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabelle, gawaaridaasi oo qeyb ka ah gaadiidka Taliska Boliiska Soomaaliyeed oo uu ugu talo galay in lagu wareejiyo dowlad goboleedyada Dalka ka jira.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Dugsiga Tababarka Jen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  lagu wareejiyay furahasha  6 Baabuur oo casri ah iyado Munaasabada ay Madaxweynaha  ku wehlinayeen Madaxweyne Ku Xigeenka  Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlad Goboleedka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle Col Xasan Dhicisow iyo Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gawaaridaan ay ugu talo galeen in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo loogu qidmeeyo Bulshada, horeyna ay sidaan oo kale ay u siiyeen Maamulada kale, waxaana uu sheegay in markii hore ay ka heleen Saaxiibada caalamka oo kaalma ahaan loo siiyay Soomaaliya, waxaana uu xusay in markasta ay ka go’antahay ka talis ahaan kaalmada ay helaan in dhamaan la gaarsiiyo dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa  ka mahadceliyay Gaadiidka la siiyay Dowlad Goboleedka, waxaana uu sheegay in loogu qidmeyn doono bulshada Soomaaliyeed oo amnigooda laga sugi islamarkaana ay ku shaqeyn doonaan Ciidamada Ammaanka.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Waare ayaa Muqdisho kulama kula leh Mas’uuliyiinta hey’adaha Qaramada Midoobay, Saaxiibada Soomaaliya , iyo Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Saney,

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com