Advertisements
Advertisements

(DHAGEYSO) Madaxweyne Maamulka Galmudug oo sheegay in dad aan talin jirin ayaa taliyaan

khamiis,October,12,2017(HNN) Madaxweynaha dowlada Goboleedka Galmudug Axmed ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu noqday Magalaada Cadaado kadib markii u ka soo qeyb galay shirkii u dhexeyay madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira,

Axmed ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in xiligan ay dhibaato ka jirto dalka islamarkana  dad aan talin jirin baa taliyey, dadkii talin jirey waa tageen, Soomaaliya meel xun bay ku socotaa, annagu waxaan ka shaqeynay bal in umadda Soomaaliyeed la isku soo celiyo oo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay isku yimaadaan, aayahooda ka tashadaan, ilaahay haku soo hanuuniyo dowladda Federaalka ah, annagu taladii waan soo qornay waana maqasheyn baan u maleynayaaa, Cadaado iyo Galmudug aad iyo aad baan idiin salaamayaa, roobku waa yaryahay Allaha inoo badiyo” ayuu yiri Xaaf.

Maxamed Cabdi Saney,

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com