Advertisements
Advertisements

Xulalka koonfur Galbeed & Jubbaland oo galabta fooda is dari doona

Talaado.December.19.2017(HNN) Xulalka kubadda cagta Maamul goboleedyada Jubbaland iyo koonfur galbeed ayaa galabta lagu wada in ciyaar xiiso badan ay ku dhaxmarto garoonka kubbada cagta Banaadir.

Kooxda galabta badisay  ayaa la ciyaari doonta xulka kubadda cagta Puntland oo maalintii shalay u gudbay finalka tartanka kadib markii ay ka badisay gobolka Banaadir.

Halka kooxda kalan ay la ciyaari doonto Xulka  gobolka Banaadir  oo ay ku loolami doonan kaalinta saddexaad ee ciyaarta.

Kumanaan shacab ah  oo kala tageersan xulalka jubbaland iyo koonfur galbeed ayaa lagu wada in galabta ay u soo daawasho tagan.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)