Advertisements
Advertisements

DEG-DEG: Kooxaha Liverpool Iyo Barcelona Oo Si Rasmi Ah Ugu Wada Dhawaaqday Heshiiska Uu Philiippe Coutinho Uu Biiray Camp Nou

Sabti,Jan,6,2018(HNN) Kooxda Liverpool ayaa hadda war saxaafadeed ay soo saartay si rasmi ah ugu shaacisay in ay kooxda Barcelona heshiis rasmi ah ka gaadheen iibka xidiga ree Brazil ee Philippe Coutinho. Kadib wada xaajoodyo maalmo qaatay waxay ugu danbayn kooxaha Barcelona iyo Liverpool soo afjareen sheekadii suuqa kala iibsiga ee tan iyo xagaagii soo taxnayd.

War saxaafadeedka Liverpool ku shaacisay bixitaanka Coutinho ayaa lagu yidhi: ” Kooxda kubbada cagta Liverpool waxay cadayn kartaa in Philippe Coutinho uu kooxda ka baxayo kadib markii ay ay heshiiska la wareegista la gaadhay kooxda kubbada cagta Barcelona, wuxuuna mari doonaa tijaabada caafimaadka isaga oo heshiiska shaqisga ahna la gaadhi doona”.

Waxaana qoraalka Liverpool la sii raaciyay: “Ciyaartoygu waxa uu hadda ogolaansho u haystaa in uu dhamaystiro si isla markiiba la wareegista loo dhamaystiro”. Liverpool ayaa lacagtii labaad ee abid ciyaartoy lagu iibsaday ka heshay 25 sano jirkan ree Brazil kaas oo 145 milyan gini ugu biiray Camp Nou.

Liverpool Football Club today issued the following statement regarding the future of Philippe Coutinho: http://lfc.tv/AfRH 

Dhinaca kale Barcelona ayaa isla markii ay Liverpool heshiiskan ku dhawaaqday iyaduna dhinaceeda ka shaacisay waxaana qoraalka Barcelona ka soo baxay lagu yidhi: ” Kooxda kubbada cagta Barcelona iyo kooxda kubbada cagta Liverpool waxay heshiis ka gaadheen la wareegista Philippe Couitnho. Ciyaartoygu waxa uu saxiixi doonaa heshiis ah inta xili ciyaareedkan ka hadhsan iyo shan sano oo dheeraad ah, waxaana heshiiskiisa lagu burburin karaa 400 milyan euros”.

❗ All the details on @FCBarcelona‘s new signing, @Phil_Coutinho!
🔵🔴 http://ow.ly/EtZK30hCuwh 

Philippe Coutinho, new FC Barcelona player | FC Barcelona

FC Barcelona and Liverpool FC have reached an agreement for the transfer of Philippe Coutinho. The player will sign a contract for the remainder of the season and five more, and will have a buyout…

fcbarcelona.com

Barcelona aya balan qaaday in waqti dhaw ay bixin doonto faah faahinta imaantinta Couitnho uu kooxdeeda ku soo gaadhayo iyo qorshaha soo bandhigiisa.


Fikradaha Akhristayaasha (0)