Advertisements
Advertisements

Man City Oo Xasuuqday Kooxda Burnley Oo Qaybtii Hore Hogaanka Ciyaarta Haysay, Aguero Oo Laba Gool Dhaliyay

Sabti,Jan,6,2018(HNN) Manchester City ayaa u soo baxday wareega afraad ee FA Cupka kadib markii ay guul soo laabasho ah Etihad Stadium kaga gaadhay kooxda Burnley oo qaybtii hore 1-0 hogaanka ku haysay. Laakiin Manchester City ayaa qaybtii labaad ee kulankan cagta marisay kooxdii ay markii hore ku soo dhibtootay ee Burnley.

Sergio Aguero ayaa laba daqiiqo gudahood natiijada ciyaarta dhinaca kale ugu dhigay kadib markii uu laba gool oo deg deg ah dhaliyay waxaana goolka saddexaad ee Burnley sii niyadjabiyay dhaliyay da’yarka Leroy Sane.

Laakiin Bernardo Silva oo ciyaarta badal ku soo galay dhamaadkii kulankan ayaa markiiba isna dhaliyay goolka afraad ee Manchester City ay ceebta wayn ugu gaysatay kooxdii qaybtii hore ee ciyaarta guusha ku taagnayd ee Burnley.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MANCHESTER CITY (4-3-3): Bravo; Zinchenko, Otamendi, Stones, Danilo; Silva, Fernandinho, Gundogan; Sane, Aguero, Sterling

KAYDKA:  Ederson, Silva, Toure, Diaz, Mangala, Walker, De Bruyne

BURNLEY (4-5-1): Pope; Taylor, Mee, Long, Lowton; Gudmundsson Westwood, Cork, Barnes, Hendrick; Vokes

KAYDKA:Wells, Walters, Lindegaard, Marney, Ulvestad, Bardsley, Defour

DAQIIQADII 25 AAD kooxda martida ahayd ee Burnley ayaa Manchester City kaga naxsatay goolka furitaanka kadib markii uu difaaca dhex ee John Stones uu sameeyay qalad wayn oo lama filaan ah, waxaana kubbad aan la joojin karin goolka Man City ku darbeeyay Ashley Barnes kaas oo goolhaye Bravo u diiday in uu wax gool badbaadin ah sameeyo waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Burnley hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Manchester City ayaa bilawday in ay raadiso goolka barbaraha laakiin Burnley ayaa awoodeeda oo dhan iskugu gaysay sidii ay goolkeeda ku difaacan lahayd waxayna bilaabeen in ay si buuxda kubbada gadaal uga maraan isla marka ay kubbada helaana ay weeraro deg deg ah ku raadiyaan goolk labaad.

Manchester City ayaa qaybtii hore ee kulankan u muuqatay mid la dhibtoonaysay la’aanta adeegii Kevin De Bruyne iyada oo marka ay weerarka qaadaan uu ka maqnaa deg degsiimihii xidiga ree Belgium iyo isafahankii ay David Silva lahaayeen.

Wax walba oo ay Manchester City samaysay qaybtii hore ee ciyaarta waxay awoodi wayday in ay jabiso difaaca sida wayn u nidaamsanaa ee Burnley taas oo keentay in qaybtii hore lagu kala nastay goolka kaliya ee uu Ashley Barnes udhaliyay kooxdiisa Burnley.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Manchester City ayaa garoonka soo gashay iyada oo Gaurdiola uu dardaarankii ugu danbeeyay soo siiyay isla markaana ku socota dardar cusub oo aan la celin karin, waxayna markiiba kuustay Burnley oo wali doonaysya in ay natiijada ilaashato.

DAQIIQADII 56 aad Manchester City ayaa ugu danbayn la timid goolka barbaraha ee ay qaybtii hore awoodi wadyay waxaana saamayntiisa la soo baxay Kun Aguero kaas oo caawin ka helay Gündoğan wuxuuna xidiga ree Argentina ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

DAQIIQADII 58 AAD Manchester City ayaa laba daqiiqo gudahood natiijada ciyaarta dhinaca kale ugu dhigtay, iyada oo waliba markale ay goolka labaad iska kaashadeen labadii xidig ee goolkii barbaraha City u keenay, Sergio Aguero ayaa goolkiisa labaad dhaliyay kadib markii uu caawin labaad ka helay Gündoğan, waxayna noqotay wax cajiib ah in City oo 45 daqiiqo gool kaga soo dhalin wayday Burnley ay 2 daqiiqo laba gool kaga dhalisay.

Waad garan kartaa Manchester City oo gurigeeda Etihad Stadium joogta, oo laba daqiiqo laba gool ku dhalisay waxa laga filan karo waxayna Burnley noqotay mid aan la mid ahayn kooxdii qaybtii hore iyada oo waliba City bilawday in ay goolal kale raadiso.

DAQIIQADII 71 AAD Manchester City ayaa si rasmi ah ciyaarta hurdada ugu dirtay kadib markii uu Leroy Sane dhaliyay goolka saddexaad ee Sky Blues isaga oo markiisa caawin ka helay David Silva kaas oo intii uu kulankani socday ay jamaahiirta kooxdiisu Etihad Stadium isku taageen si ay muruga qoyskiisa haysata ula qaybsadaan.

Goolka Leroy Sane waxa uu gabi ahaanba dilay rajadii ay Burley ka qabtay in ay la timaado goolka labaad ee barbaraha wuxuuna goolka saddexaad Manchester City siiyay in si walwal la’aan ah ay kubbada ugu ciyaaraan halka ay doonaan.

DAQIIQADII 82 AAD Bernardo Silva oo saddex daqiiqo wax ka yar ciyaarta ku jiray oo badal u ahaa Sergio Aguero ayaa goolka afaraad Manchester City u saxiixay wuxuuna bilaabay in kooxdii Burnley ee goolka ku hormartay uu xasuuq u bilawdo isaga oo ciyaarta ka dhigay 4-1 ay City si naxariis daro ah ugu burbursanayso baaqigii Burnley ka sii hadhsanaa.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-1 ay Manchester City ku xaaqday kooxda Burnley oo gool kaga hor martay waxayna kooxda Guardiola sii joogtaysay ciqaabta ay kooxaha Premier league u gaysanayso xili ciyaareedkan iyada oo sidaa ugu soo baxday wareega afraad ee FA Cupka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)