Advertisements
Advertisements

Akhriso: Tobanka Ciyaartoy ee loogu hadal heynta badan yahay suuqa kala iibsiga maanta

isniin,jan,8,2018(HNN) Football Whispers oo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibsaga iyo kooxaha doonaya ee lala xiriirinayo.

Qiimaynta Football Whispers  ee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxayna Sky Sports iyo Football Whispers ay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.

Sida ay hadal hayaan warbaahinta Leon Goretzka ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Bayern Munich isagoo iska diidi doona kooxaha kale ee qaaradda yurub ee ugu weyn tahay Liverpool oo aad u baadi goobeysa badalka Philippe Coutinho.

Sidoo kale waxaa kusoo xiga liis ahaan ciyaartoyda kala ah Theo Walcott iyo Kepa Arrizabalaga kuwaas oo u muuqda kuwa isaga tagi doona Athletic Bilbao iyo Arsenal.

Magacyada waaweyn ee kasoo muuqday liiskaan waxaa ka mid ah Riyad Marhez oo lala xiriirinayo Liverpool, waxaa loo arkaa badalka Philippe Coutinho.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xiriirinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran:


Fikradaha Akhristayaasha (0)