Advertisements
Advertisements

Maxay Ku Kala Duwanaayeen Qaabkii Uu Philippe Coutinho Liverpool Uga Baxay Iyo Sidii Uu Michael Owen Kaga Baxay Anfield? Owen Laftiisa Ayaa Sharaxaad Ka Bixiya

Isniin, jan 15 ,2018(HNN) Weeraryahankii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa isbarbardhig ku sameeyay farqiga u dhexeeyay go’aamadii ay kaga dhaqaaqeen kooxda Reds isaga iyo laacibka reer Brazil ee Philippe Coutinho. Kadib markii uu dhawaan kaga dhaqaaqay kooxda Barcelona.

Owen, oo u suuragashay in Real Madrid uu kaga dhaqaaqo sanadkii 2004-kii kooxdiisa Liverpool, seddex sanno kadib markii uu ku guuleystay abaal marinta kubada dahabka, markaas uu ku garaacay laacibkii kooxda Real Madrid Raul Gonzalez oo si xoogan ay ugu dagaalamayeen.

Wargeyska AS ee dalka Spain ayaa daabacay wareysi uu Michael Owen bixiyay oo uu ku yidhi: “Waxaan go’aansaday inaan ka dhaqaaqo kooxda Liverpool, laakiin iyadoo sidaas ay jirto, hadana waxaan ku ilmeenayay ku dhawaad wadada u dhexeysay gurigeyga ilaa iyo garoonka diyaaradaha, waxaan dareensanaa in qeyb ka mid ah jidhkeyga inaysan dooneynin ka dhaqaaqista kooxda Reds”.

Michael Owen ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Marka la eego qaabkii uu Philippe Coutinho ugu dhaqaaqay kooxda Barcelona isbuucii lasoo dhaafay, ma uusan dareemin, wixii aan dareemay marka aan ka baxay kooxda, iskaba daayee wuxuu dareensanaa inuu u dhaqaaqay koox ka wanaagsan Liverpool”.

Owen ayaa dhinaca kale yidhi: “Markii ay Real Madrid ii soo bandhigtay heshiiskii ay ku dooneysay inaan ugu dhaqaaqay sanadii 2004, waxaan ku jawaab celiyay maxay tahay sababta aan ku diidayo koox ay ku sugan yihiin xidigaha ugu waaweyn kubada cagta sida Ronaldo, Zidane, Beckham, Carlos iyo Figo”.

“Muddo ka dib waxaa hoos u dhacday xiisahii ku aadanaa inaan kasii mid noqdo waxaana doonayay inaan mustaqbalkeyga kubada cagta kula dhameysto Liverpool xidigaha Steven Gerrard iyo Jamie Carraghe, kuwaasoo gadaashey kula guuleystay kooxda Reds koobka Champions League-ga halsano kadib markii aan ka dhaqaaqay”.

“Waxay ii aheyd waqti aan ku bartay dhaqamo kala duwan islamarkaana aan ku bartay sidoo kale luqad cusub, laakiin ma aysan dhicin inaan maro wadadii Ian Rush oo u dhaqaaqay kooxda Juventus kadib laba xili ciyaareed dib ugu soo laabtay safka Liverpool”.

Owen  ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Ma jirto sabab loo dhaleeceen karo Coutinho, ciyaaryahan kasta ee kasoo jeeda Koofurta Ameerika wuxuu xirfadiisa kubada cagta doonayaa inuu u dhaqaaqo mid kood kooxaha Barcelona ama Real Madrid si uu u gaadho heerka ugu sareeya kubada cagta , lakiin xaqiiqda ayaa ah xoogaa niyadjab ku aadan bixitaanka Coutinho”.


Fikradaha Akhristayaasha (0)