Advertisements
Advertisements

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo gaaray dhuuso-mareeb

Talaado, jan 16, 2018(HNN) Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi u hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada dhuuso-mareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada dhuuso-mareeb ku soo dhaweyay Madaxda Xukumadd Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan, iyo xubno ka tirsan maamulka Galmudug iyo boqolaal shacab ah.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka qeyb gali doona heshiis lagu dhameystirayo heshiis horey u dhaxmaray Maamulk Galmudug iyo Ahlusunna oo ku midoobay Galmudug.

Ugu dambeyntii Magalaada dhuuso-mareeb ee caasimada Maamulka Galmudug ayaa lagu wada in ay garaan wafuud kala socota dowlada dhexe,Maamulada ka jira dalka iyo Xubno ka socda beesha caalam-ka, waxan si weyn loo adkeyay amaanka Magalaada.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)