Advertisements
Advertisements

Ciidamad dowlada & kuwa koonfur galbeed oo nolosha ku qabtay dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab

Arbaco, jan 17, 2018 (HNN) Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koofur Galbeed ayaa howl gal ku qaaday deegaanka Manaas oo qiyaastii 45KM u jira Baydhabo islamarkana nolosha ku qabtay dagaalyaano ka tirsan Al shabaab.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed  Nuura diin ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen illaa shan dagaalame iyo mootooyin ay adeegsanayeen.

Nuura diin  ayaa sheegay in ciidamada Koofur galbeed iyo kuwa xoogga dalka ay wadaan howl gallo ka dhan ah Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Koofur Galbeed.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay weeraray deegaanka Goof gaduud iyo Daynuunay oo muddo kooban la wareegeen gacan ku heynteeda.

Ugu dambeyntii Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa inay ka socdaan deegano ku dhow magaalada Baydhabo.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)