Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Guudoomiyaha Cusub ee degmada Baladweyne oo xilka la wareegay

Arbaco,jan 17, 2018(HNN) Madaxweynaha dowlada Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa xilka ka qaaday Guudoomiyihii degmada Baladweyne Aadan Axmed Xeefow iyado Guudoomiyaha degmada Baladweyne loo magacabay  Maxamed cismaan Cabdi Qalafow oo labo jeer oo hore soo noqday Guudoomiyaha degmada Baladweyne.

Guudoomiyaha Cusub ee degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi qalafow  ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay  Guudoomiyihii hore kadib Munaasabad lagu qabtay xaruunta Maamulka Gobolka Hiiraan, ee Magalaada Baladweyne, waxana ka qeyb galay,Madaxda maamulka gobolka kan degmada Baladweyne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guudoomiyihii hore ee degmada Baladweyne Aadan Axmed Xeefow, ayaa sheegay in shacabka Magalaada Baladweyne looga bahan yahay inay la shaqeeyaan Guudoomiyaha cusub.

Guudoomiyaha Cusub ee degmada Baladweyne  Maxamed Cismaan Cabdi Qalafow ayaa sheegay inu wax badan ka qaban doono xaaladdaha ka jira Magalaada Baladweyne isago dalbaday in la la shaqeeyo.

Ugu dambeyntii Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte cismaan ayaa sheegay in xilka u yahay wareegto islamarkana Guudoomiyaha Cusub looga bahan yahay inu guto waajibaadka loo igmaday.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)