Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Waare & Xaaf oo dhuuso-mareeb ku soo dhaweyay Shariif Xassan iyo Cabdiweli Gaas

Arbaco,jan 17,2018 (HNN) Magalaada dhuuso-mareeb ee Caasimada Maamulka  Galmudug ayaa waxaa maanta gaaray Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha koonfur galbeed shariif Xassan sheekh Aadan kuwaaso garoonka diyaaradaha Magalaada dhuuso-mareeb ay ku soo dhaweyeen,Madaxweynaha Maamulka Galmuudg Axmed ducaale Geelle Xaaf,Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxa Xukumadda Galmudug sheekh Maxamed shaakir Cali Xassan iyo xubno kale.

Madaxweynayasha Maamulada Puntland iyo koonfur galbeed ee maanta gaaray Magalaada dhuuso-mareeb ayaa ka qeyb gali doona shirka lagu dhameystirayo heshiis dhaxmaray Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.

labada Madaxweyne ee Puntland iyo koonfur galbeed ayaa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweyay.

 Cabdulahi Warsame Rooble.

Hiilnews.com

Caasimada Galmudug,dhuuso-mareeb.


Fikradaha Akhristayaasha (0)