Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Wasiirka Amniga oo Safar dhulka ah ku tagay Magalaada Balcad ee Gobolka shabeellaha dhexe

Arbaco,jan 17, 2018:- Wasiirka Amniga Gudaha Dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ay wehlinayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federalka iyo siyaasiyiin ayaa maanta socdaalka dhulka ah ku tegey degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wafdiga Wasiirka Amniga oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Cabduqadir Carabow Ibrahim iyo Xildhibaan Aadan Cali Xasan kana mid ah xildhibaanada  laga soo doortay Hirshabelle ayaa waxa ay sheegeen in degmada Balcad ay u yimaadeen sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada amni iyo mida baahi ee shacabka degmada balcad ay qabaan.

Wasiirka Amniga Dowlada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin weerarada Al-shabaab ee ku soo laalaabtay wadada isku xirta degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle.

Maxamed Abukar Ducaale ayaa sidoo kale xusay inuu socdo qorshe amniga lagu soo celinayo islamarkaana kaalinta ciidanka Militariga dowlada Soomaaliya ay noqon doonto mid meesha looga saaro weerar ka yimaada Al-shabaab.

Ugu dambeyntii Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo kordhayay weeraro ay ka geysanayaan ururka Al-Shabaab iyadoo dhowr jeer uu iskahorimaad ku dhex maray ciidamada miltariga iyo dagaalyhano ka tirsan Al-Shabaab.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Mcsaney@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)